4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 7 , 2021
Wasiir Jamaal : Madaxweyne Deni waa musharrax madaxweyne, faraha hakala baxo arrimo doorashada
 

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta dowladda federalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ugu baaqay inuu faraha kala baxo arrimaha doorashada, isagoo sheegay inuu yahay musharrax madaxweyne.

Wasiir Jamaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitterka, ayaa ku yiri sidatan,” Madaxweyne Deni maaddaama uu yahay Musharax Madaxweyne, waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada & inuu si deg deg ah u joojiyo faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. kama aamusnaan karno faro galinta qaawan iyo qaddarin la'aanta Puntland,”

Wasiir Jamaal ayaa sheegay madaxweyne Deni inuu dib u dhigay ku dhawaaqistiisa musharaxnimo, si uu saameyn ugu yeesho oo u xakameeyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland.

Wuxuu sheegay in odayaasha beelaha, wakiillada & musharixiinta baarlamaanka ay dhammaantood muujiyeen walaac weyn oo ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marin, cagajugleyn iyo faragelin uu doorashada ku hayo madaxweyne Deni.

Wasiirka qorshaynta Soomaaliya ayaa kamid ah xildhibaanada aqalka hoose ee lagasoo doorto Puntland, wuxuuna sidoo kale doonayaa inuu mar kale kursiga kusoo noqdo.

HOL waxay ogsoon tahay in madaxweyne Deni iyo wasiir Jamaal uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiray. wasiir Jamaal ayaa kamid ah saaxiibada u dhow ee madaxweyne Farmaajo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online