4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 3 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay
 

Sabti, Luulyo 3, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay toban qof ku geeriyoodeen, halka tobaneeyo kalena ay ku dhawacmeen qarax is-miidaamin ah oo habeenkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay weerarkan oo ay dowladdu ku eedeysay in ay ka danbeysay kooxda Al-Shabaab.

Qof naftii hallige ah oo iskusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa weerarkaan ka geystay maqaayad ku taalla isgoyska Jubba oo ay dad badani fadhiyeen.

“Mar labaad al-Shabaab waxa ay caddeysay in rabshadda ay waddo aysan soohdin laheyn ayna si aan kala sooc laheyn u leyneyso dadka. Al-Shabaab waxa ay ku dadaashaa in ay gaysato burbur iyo fowdo.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxan, waxaana ay sheegtay inuu qeyb ka yahay howlgallo qorsheysan oo lagu beegsanayo saraakiisha dowlada ee ku sugan magaalada Muqdisho sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Bishii lasoo dhaafay ayey ahayd markii Al-Shabaab ay qarax xoogan oo uu fuliyey qof naftii hallige ah uu beegsaday dhalinyaro ciidan loo qorayey oo lagu uruurinayey xeradii hore ee Nacnaca ee magaalada Muqdisho.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online