4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 23, 2021
Guddoomiyihii hore gobolka Gedo oo sheegay in mar kale laga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho
 

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (HOL) - Gudoomiyahii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu), ayaa sheegay in hay'ada nabad sugida ay saaka mar kale ka celisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga iyo wafdi la socday.

Guddoomiyihii hore ee Gedo wuxuu sheegay amarka lagu celiyay inuu bixiyay taliye ku xigeenka hay’adda nabad sugida, Cabdullaahi Kulane.

“Saakay aniga iyo tiimkayga waxaan tagnay garoonka, anigoo qabay dareen ah in nala celin doono, balse ku kalsoon hadalkii raysal wasaaraha. Markii aan tagnay garoonka, qolyihii duulimaadka waxay noo sheegeen in aanan bixi Karin, ayuu yiri Cismaan Nuur.”

Macalimoow wuxuu sheegay xanibaada lagu sameeyay in ay xadgudub ku tahay go’aankii R/Wasaare Rooble ee ahaa  in aan qofna laga celin karin garoomada diyaaradaha ee dalka.

“Waxaa ceeb ah in maanta raysal wasaarihii u sareeyay dalka, amarkiisa ciddii diiday, waxaan u maleynayaa in meel kale laga xukumo… Waxaan jawaab ka sugaynaa raysal wasaarha, waxaana ku qanci karnaa inuu kulane Jiis awoodda uu ku faanayo ka qaado,”ayuu yiri guddoomiyihii hor ee Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor faray laamaha socdaalka JFS in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u kala safraya dalka loo xannibi Karin sababo siyaasadeed.

  

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online