4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 2 , 2021
Guddiga doorashada dalka oo guddoomiye ku meel gaar ah doortay
 

Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Kulan aay maanta isugu yimaadeen guddiga hirgilinta doorashooyinka dalka ee heer Fedaraal ayaa waxay guddoomiye si kumeel gaar ah u doorteen Muuse Geelle Yuusuf.

Guddoomiyaha cusub ee ku meel gaarka ah Muuse Geelle ayaa la sheegay in howshiisa ay tahay qabanqaabada iyo qabashada guddoonka guddiga qaran ee hagaya hanaanka doorashada dalka Soomaaliya.

Guddoomiyahe Muuse Geelle ayaa dhisay guddo ka kooban 5 xubnood, kuwaas oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axada oo aay taariiqda ku beegan tahay 4-July-2021.

Goobta lagu doortay guddoomiyaha ku meel gaarka ah waxaa kh sugnaa guddoomiyahii hore ee guddiga Maxamed Xasan Cirro, kaaso goobta isaga casilay xilkii guddoomiyenimo, islamarkaana sheegay inuu ku wareejiyay guddoomiyaha cusub uuna la shaqeyn doono.

Shacabka Soomaaliyeed iyo waliba Beesha Caalamka ayaa il gaar ah ku wada eegaya qabsoomida doorasho loo dhan yahay oo dalka ka qabsoonta, taas oo laga sugayo Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]