4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 2 , 2021
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo digniin u diray shacabka maamulkiisa
 

Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar Cagjar ayaa sheegay ineysan marnaba u dulqaadan doonin shaqsiyaadka uu sheegay iney la shaqeeyaan ama taageeraan Ururka TPLF, ee ka dhex dagaalama gudaha dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Maxamed Cumar oo kulan la yeeshay golaha fulinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in sanado badan dhibaatoyin kala duwan oo dhanka dhaqaaha iyo bulshada Soomaalida ay ku hayeen Ururka TPLF, islamarkaana aanan la aqbali karin in markale dib uga soo dhex muuqdaan gudaha deegaanada maamulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale sheegay in si weyn loo adkeeyay amniga dhamaan magaaloyinka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, islamarkaana sheegay in talaabo adag aay ka qaadi doonaan cidii lagu arko taageerada TPLF.

Gabagabadii madaxweynaha dowlad deegaanka ayaa shacabkiisa ugu baaqay iney xasuusnadaan xasuuq uu sheegay iney horay uga geysteen Ururka TPLF gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]