4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2021
Xaalada degmada Beled-Xaawo oo xalay ilaa iyo saakay deggan

 

Talaado,, Janaayo, 26 2021 (HOL) - Wararka HOL ka soo gaaraya degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladu tahay mid degan xalay ilaa iyo saakay kaddib dagaal culus oo maalintii shalay ka dhacay.

Ma jirin wax rasaas ah oo laga maqlay gudaha degmada saacadihii ugu danbeeyay inkastoo wali ay ka muuqdaan raadadkii uu ka tagay dagaalkii shalay oo ahaa kii cuslaa ee sanadihii ugu danbeeyay ka dhacay degmada.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Beled-Xaawo ayaa sheegay in amnigu yahay mid wanaagsan guud ahaanba xaafaddaha ay ka kooban tahay Beled-xaawo gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Inta badan dadkii ku nolaa degmada ayaa isaga cararay dagaalka oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh soo gaarsiiyay dadka rayidka, waxaana magaalada Muqdisho la geeyay dhaawacyada qaar ka mid ah dadkii ay wax-yeeladu ka soo gaartay dagaalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]