4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 22, 2021
Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

 

Jimco, Janaayo, 22, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday maanta alle ha u naxariisteen Ganacsade Cabdi Xoosh Ashkir oo ka mid ahaa ganacsatada siweyn looga garanayo gayiga Soomaaliya.

Waxaa ku dhashay Baadiyaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud, waxaana uu u soo wareegay magaalada Muqdisho isaga oo Lix sano jira ah sida uu ku sheegay wareysi hadda ka hor lala yeeshay.

Ganacsade Cabdi Xoosh ayaa isaga oo yar ka bilaabay magaalada Muqdisho  ganacsi aan sidaa u buur-neyn sida iibinta Roodhiga iyo Mooska, isaga oo markii danbe u wareegay dhinaca ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed [Militariga]  oo uu ka mid ahaa ku dhawaad 22 sano waxaana uu tababar u taggay dalka Rushka.

Militariga kaddib waxaa uu u wareegay dalka Saudi Arabia halkaasoo uu ka bilaabay socdaalkiisii ganacsiga, isaga oo ka soo sheeqeeyay dalal badan oo calaamka ah oo howlo ganacsi uu u taggay, hasse ahaatee waxaa uu markii danbe ganacsigiisa u soo wareejiyay magaalada Muqdisho uu ka hergaliyay ganacsiyo kala duwan, mashaariic,  iyo dhismayaal caan ah oo ilaa iyo hadda ku suntay magaca ''Xoosh''

Xilligii 1970meeyadii  Cabdi Xoosh wuxuu bilaabay ganacsi ballaaran oo la xiriira dhoofinta kheyraadka badda iyo  guryaha hantida maguurtada ah, waxaa uu ganacsiga ku howlanaa ku dhawaad muddo 38 sano ah uu ku jiray jawi ganacsi  gudaha dalka iyo dibada intaba.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]