4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Qarax miino oo Muqdisho lagula eegtay saraakiil katirsan booliiska gaarka ah
 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL) - Qarax miinada dhulka ayaa lala eegtay gaari nuuca aysan xabbadu karin oo ay wateen Ciidamada Booliska gaarka ee loo yaqaan RRT.

Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka Km4 gaar ahaan Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho,.wadadaas oo ah meelaha ugu badan qaraxyadu ka dhacaan.

Waxaa la sheegay in uu ka dhashay dhaawaca hal qof oo ahaa darawal mooto bajaaj ah, warar kale ayaa sheegaya in qof kale ku dhintay, balse weli lama hubo.

Gaadiidka Bulet Proof oo ay wateen saraakiil ciidan ayaa waxyeelo ka soo gaartay qaraxa, waxaana islamarkiiba goobta gaaray ciidamo booliis ah.

Muqdisho waayahan dambe waxaa aad ugusoo kordhay qaraxyada gaadiidka lala eeganayo, waxayna kusoo aadayaan xilli mar xalad xasaasi oo dowladdu ku mashquulsan tahay arrimaha doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]