4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 7 , 2021
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo dalbaday in la joojiyo doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland
 

Talaado, December, 7, 2021 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay guddoonka sare ee doorashada Somaliland gaar ahaan garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in la hakiyay doorashada 16 kursi oo ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada gobolada Waqooyi.

Qoraal ka soo baxay ee lagu hakiyay doorashada 16-ka kursi waxaa ku saxiixna guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana lagu sheegay sababta loo hakiyay kuraastaasi xaqiijinta habsami u socodka iyo sugnaanta doorasho ku dhacda si xor iyo xalaal ah, islamarkaana waafaqsan habraacyadii doorashada ee horay loogu heshiiyay.

"Waxaa lagu wargelinayaa guddiyada hirgalinta doorashooyinka heer Fedaraal iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka gobolada Waqooyi in lq hakiyay gabi ahaanba faafinta kuraasta 16-ka ah, inta go'aan laga gaadhayo lana xaqiijinaayo qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay garabka guddoomiye Cabdi Xaashi.


Dhinaca kale guddiga doorashada Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay waxay shaaciyeen magacyada oday dhaqameedyada iyo bulshada rayidka ah ee soo xuli doona ergada dooraneysa qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada gobolada Waqooyi.

Arintan ayaa noqoneysa doorashadii ugu horeysay ee si cad looga tixraaco habraacii horay loogu heshiiyay bishii 22-kii Agoosto, waxaana ay kusoo beegmeysa shaacinta magacyada oday dhaqameedyada ergada soo xuleysa, xili doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Baydhabo ay noqdeen kuwa si weyn looga horyimid habraacii loo maray.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]