4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 21, 2021
Duqa Boosaaso: Ciidanka PSF hal guri ayay ka dagaalamayaan waana ugu galaynaa
 

Talaado, December, 21, 2021 (HOL) - Duqa magaalada Boosaaso, Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile  ayaa ka hadlay dagaalka magaalada Boosaaso ka socda oo u dhexeeya ciiddanka Puntland iyo ciidamo daacad u ah agaasimihii hore ee hay’adda PSF ee xilka laga qaaday.

Duqa Boosaso ayaa sheegay in Puntland lagu khasbay in ay tallaabo qaado, kadib markii sida uu sheegay, agaasimihii hay’adda PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano uu diiday inuu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

Wuxuu sheegay in ciiddamo amar diid ah oo katirsan guutada Gorgor ay la safteen ciidanka PSF, isagoo dhinaca kale tilmaamay in ay jirto gacan shisheeye oo hurinaysa colaadda magaalada Boosaaso.

“Meelaha ay joogaan ayaa loogu tagayaa, hal guri ayay ku jiraan oo ka dagaalamayaan, hoobiyayaal ayay meel walba ku rideen, dhibaatada ay shacabka u geystaan waxaa masuul ka ah, kooxda anardiidka ah, ayuu yiri Duqa magaalada boosaaso.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa kacsan, iyadoo weli halkaas uu ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidanka amniga iyo kuwa PSF, waxaana jira dad badan oo shacab ah oo ku dhaawacmay rasaasta la isweydaarsanayo.

Boqolaal qoys ayaa sidoo kale guryahooda uga barakacay dagaalka socda. Qaar kaloo badan ayaa awooddi la’ in ay guuraan, iyadoo  jidadkii ka xirmeen.



Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]