4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Cabdiraxmaan Cirro "Muuse Biixi waxan leeyahay haka baqanin in aad tartanto"
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu doonayo in uu doorashada madaxweynaha dib u dhigo.

"Madaxweyne Muuse waxan leeyahay doorashadii 2017-kii lagu tartamay kursigii madaxweynaha adiga ayaa qaatay, doorashadii kalena way soo dhawdahay oo waa 13 November 2022, markaa madaxweyne haka baqanin in aad tartanto" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in cid waliba doorasho u diyaartahay 2022, isla markaana anay yeelayn doorasho dib u dhacda.

"Dadka iyo dal-kuba doorasho ayay doonayaan, cid yeelaysa doorasho dib u dhacdaa ma jirto, axsaabta mucaarad ka ahi yeeli mayso, shacbiguna yeeli maayo, wakhti inagu filan oo aynu ku tartanana waynu haysanaa" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in cidna anay helayn wax anay xaq ulahayn isla markaana, anay cidna cid qasbi karin "muranku wuu iska dhamaan doonaa cidna waxanay xaq u lahayn heli mayso, cidna cid ma qasbi karto, cidna cid kama xoog wayna".

Xisbiyada mucaaradka guud ahaan ayaa si adag uga soo horjeestay, furista ururada siyaasada Somaliland, iyagoo ku doodaya in ururada la furo kadib doorashada madaxweynaha.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]