4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 20, 2021
Gabadh Somaali ah oo kamid noqotay dadka kusoo baxday bilada weyn ee shaqsiga sanadka magaalada Oslo
 

Isniin, December, 20, 2021 (HOL) - Faa`isa Warsame oo gudoomiyaha ururka Håp kompetanse ee ka dhisan xaafada Tøyen ee magaalada Oslo ee dalka Norway, ayaa kamid noqotay lix qof oo isugu soo haray ku guuleysiga bilad-sharafta aadka loo qiimeeyo ee shaqsiga sanadka magaalada Oslo.

Faa`isa ayaa kamid noqotay dadka isugu soo haray finalka biladan, waxeyna ku muteysatay shaqadii ay iyada iyo ururkeedu ka qabteen wacyigalinta dadka iyo ka hor tagista faafitaanka xanuunka corona.

Ururka Faa`isa ay gudoomiyaha ka tahay ee Håp Kompetanse iyo aqoonyahano kale oo Soomaali ah ayaa ahaa dadkii ugu horeeyay ee sameeya telefoon ay dadka ajaaniibta ah ee aan luuqada Norwiijiga si fiican u aqoon ka heli karaan jawaabaha caafimaad iyo kuwa arrimaha bulshada la xiriira ee ku saabsan feyruska corona.

Dadaalkeeda wuxuu bilowday xiligii uu bilowga ahaa faafitaanka feyruska, aana wali si fiican loo fahmin khatartiisa iyo saameynta daran ee uu ku yeeshay bulshooyinka soo galootiga ah.

Soomaalida ku dhaqan magaalada Oslo ayaa Faa`isa Warsame ku ammaanay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaadatay wacyi galinta cudurka Covdi19, waxayna sheegeen in ay u qalanto in ay ku guulaysato bilada shaqsiga magaalada Oslo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online