4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 22, 2021
Gacan ka hadal gudaha garoonka Aadan Cadde ku dhaxmaray nabad-sugida iyo shaqaalaha waaxda Socdaalka

 

Khamiis, April, 22, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska horimaad keenay burbur hantiyeed uu ku dhaxmaray Gudaha Garoonka shaqaalaha waaxda socdaalka iyo waliba ciidanka nabad-sugida.

Iska horimaadka ayaa ka dhashay sida ay weerarku sheegayaan muran la xiriira dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan.

Balse intii ay socday howshaasi ayaa la sheegay in  Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay ragga Ajanbiga ah lagu wareejiyo, taasoo ay ka biyo diideen shaqaalaha waaxda socdaalka.

Iska horimaadkan ayaa sababay dhaawacyo iyo waliba burbur ku yimid miraayadihii iyo waliba kaamirooyinkii ay isticmaalayeen qaar ka mid ah shaqaalaha waaxda socdaalka.

Arrintan ayaa markii danbe la sheegay in ay soo faragaliyeen mas'uuliyiinta sar sare ee hay'addaha socdalka iyo waliba nabad-sugida Soomaaliya oo xaliyay shaqaaqadii dhacday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]