4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 16, 2021
Faafaahin : Qasaaraha dagaalka Dhabar-dalool oo faraha ka baxay iyo ergo nabadeed oo rasaas lagu furay
 

Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Inta la ogyahay illaa hada 17 ruux ayaa ku dhintay dagaal saaka ka bilaabmay  ceel biyood lagu magacaabo Dhabar-dalool, oo ku yaala ban la moodka Doodi ee badhtamaha dooxada Nugaal, waxaanu dhacaa badhtamaha Xuddun iyo Laascaanood.

Dhaawaca labada dhinac ayaan illaa hada la xaqiijin karin iyadoo dhamaan isbitaalada magaalada Laascaanood iyo Xuddunba ay la tacaalayaan samatabixinta dhaawaca rasaastu ku haleeshay banaanka kulaylka badan, waxaana ugu badan sida hawlwadeenada caafimaadku sheegayaan dhiigbax.

Dhinaca kale waxaa dhintay mid ka mid ah dad ergo ah oo isku deyey in ay kala dhex galaan labada maleeshiyo halka laba kalena ay dhaawacmeen sida ay HOL u xaqiijiyeen dad ergadaas la socdey.

"Rasaas yay naga horkeeneen markaan isku daynay in aan la hadalno, khasaare waa na soo gaadhey laakiin waa mid aan filayney oo aan u soo dhaqaaqnay" ayuu yidhi Siciid Axmed, waxaanu intaas ku daray in ay weli hawshii wadaan.

Ma jirto illaa hada wax waanwaan lagu joojin karo dagaalkan  oo aad moodo in gurmadyada ka imaanaya degaanada beelahani degaan uu marba marka ka danbaysa sii xoogaysanayo xiisaduna ay cirka isku sii shareeri karto, walow amarka Alle isagu qoraal yahay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood G Sool