4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 12, 2021
Aqalka Sare oo kasoo horjeestay muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo
 

Isniin, April, 12, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay go'aankii Golaha Shacabka aay labo sano oo muddo kordhin ugu sameyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiye Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa sharci darro ku tilmaamay go'aankii aay maanta Golaha Shacabka muddo kordhinta ugu sameyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

"Mudada xil heynta Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya waa 4 sano oo ka bilaabata maalinta natiijada Doorashada"ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoonka Aqalka Sare.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]