4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 11, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo daahfuray mashaariic ay wasaarada wax barashadu hirgalisay

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa daahfuray 106 dhisme oo loo dhisay wasaarada waxbarshada Somaliland, barnaamijka Aqoon-jirre iyo muuqbaahiyaha waxbarshada ee Somaliland education channel.

Dhismayaasha uu madaxwaynuhu daahfuray ayaa waxay kala yihiin, dhisme wayn oo ay wasaaradu yeelan doonto, 100 dugsi iyo 5 laybareeri.

Barnaamijka Aqoon-jirre ayaa ah barnaamij inta duruusta waxbarashada lagu shubo tabletyo cad-ceeda ku shaqaynaya, waxbarashada lagu gaadhsiin doono goobaha fog-fog ee miyiyada.

Muuqbaahiyaha waxbarashada, ayaa isaguna noqon doona mid si toosa casharada waxbarashda looga dawan doono, oo TV-ga dowlada iyo Tv-yo kale ay baahin doonan.

“Waxaynu daah-furaynaa 2 mashruuc oo waweyn, 106 iskuul, Aqoon-jirre barnaamij loobixiyay oo isaguna tiknoolaji ah, oo casharadii oo maqal iyo muuqaal ah lagu gayn doono miyiyada” sidaa waxa yidhi wasiirka waxbarashad Axmed Maxamed Diiriye Toorno.

“Waxa kale oo jira TV, 24 saacadood ah oo ah qayb kamida TV-ga qaranka, iyo TV kale oo isaguna nooso bandhigay in ay janel kaa noo samayn doonaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Toorno.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa bahda wasaarada waxbarashada ku booriyay in ardayda ay gacanta ku hayaan ay u barbaariyaan sidii ay wax u qabsan lahayeen.

“Wasaarada waxbarshada waxa looga fadhiyaa, in ay da’yar ta ay gacanta ku hayaan iyo dadka oo  dhan in ay ku abuurto in uu qofku wax qabsado, markasun baynu horumar gaadhi karnaa” ayuu yidhi madaweynuhu.

Barnaamijyadan ayaa hadii ay hirgalaan waxbadan ka tari doona baahiyaha waxbarasho ee ay qabaan ardayda Somaliland.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan, Hiiraan Online
 [email protected]