1/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 29, 2021
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo noqday Senatarkii koowaad ee loo doortay kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi
 

Arbaco, September, 29, 2021 (HOL) - Iyadoo goordhaw si rasmi ah Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho uga bilaabatay doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ayaa markale waxaa la doortay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo noqday Senatarkii ugu horeeyay ee Senatarada gobolada Waqooyi ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Kurasiga koowaad ee uu kusoo baxay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa ka tanaasulay Siciid Cumar Xuseen oo kula tartami lahaa kursiga, taasoo keentay in guddoomiye Cabdi Xaashi uu si fudud ku noqdo Senatarkii koowaad ee kusoo baxa doorashada kuraasta Aqalka sare.

Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa helay codad gaaraya 44 cod, waxaana ka aamusay labo xubnood oo kaliya.

Waxaa sidoo kale haatan socota codeynta tartanka kursiga labaad oo ay ku wada tartamayaan musharaxiinta kala ah Saalax Axmed Jaamac oo ah wasiirka Dastuurka XFS iyo Ibraahin Iidle Saleebaan oo horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamada sare, waxaana uu kursigan ka mid yahay kuraasta ugu adag ee lagu tartamayo maanta.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]