1/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 23, 2021
Wasiirka qorshaynta Soomaaliya oo laga hor istaagay in lagusoo dhoweeyo Garowe
 

Khamiis, September, 23, 2021 (HOL) - Ciidamo katirsan Puntland ayaa maanta is hor istaag ku sameeyya in wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan soo dhowayn loogu sameeyo magaalada Garowe, oo uu kasoo dagay.

Wasiirka qorshaynta oo ah musharrax xildhibaan aqalka hoose ah ayaa loo diiday in ay garoonka ugu tagaan dad shacab ah oo loogu diyaariyay in ay ka qaataan soo dhowayntiisa.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in ciidamo katirsan madaxtooyada Puntland la geeyay garoonka diyaaradaha Garowe, si ay u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa wasiirka qorshaynta oo ku wajahan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, halkaas oo ah deegaan doorashadiisa.

Wasiir Jamaal ayaa kamid ah saaxiibada dhow ee madaxweyne Farmaajo, waxayna aad isku hayaan madaxweyne Deni oo uu dhawaan ku eedeeyay inuu faro galin ku hayo doorashada aqalka hoose.

Jamaal waxaa uu loolan adag u gali doonaa sidii uu kursigiisa xildhibaanimo u difaacan lahaa, isagoo maanka ku haya in kursigiisa uu kamid yahay kuraasta tartanka adag loo gali doono.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online