Hiiraan Online
1/10/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 2 , 2021
Muqdisho oo lagusoo dhoweeyay dufcaddii 1-aad oo ah gabdho saraakiil ciiddan ah oo uu Turkigu soo tababaray
Khamiis, September, 2, 2021 (HOL) - Dufcaddii ugu horreysay ee gabdho ka tirsan ciidanka
Booliska gaarka ah ee Haramcad
ee lagu soo tababaray Turkiga ayaa ka soo degay gegida dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kaddib tababar boolis oo socday muddo bilo ah.
Wasiiru dowlaha Amniga XFS, Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS
iyo
Taliye
ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya
oo ay wehliyaan
saraakiil kale oo dowladda ka tirsan ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey ururka 8aad ee Kumaandooska Gor Gor & Gabdhaha Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga
kuwaas oo ku biiri doona cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan Harmacad.
“Waxaad hesheen mid ka mid ah tababbarka ugu wanaagsan adduunka oo aan uga mahadcelinayno walaalaheenna Turkiga, waxaana la joogaa waqtigii hadda si sharaf iyo karaamo leh ugu adeegi lahaydeen dalkiina iyo dadkiisa,” ayuu yiri taliye ku xigeenka
Ciidanka Booliska Soomaaliya
.
Dhanka kale, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in ka badan 100 katirsan ciidamada Gorgor ay iyaguna tababar ugusoo gabagaboobay Turkiga.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]