4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 18, 2021
Guddoomiye Cirro "Shaqo la'aanta Somaliland waxay ku dhawdahay 70%"
 

Sabti, September, 18, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro),  ayaa sheegay in cilmibaadhis la sameeyay ay sheegtay in 70% dhalinyarada Somaliland, ay shaqo la'aan yihiin isagoo sheegay in marka laga yimaado dhaqaale la'aanta Somaliland ka jirta loo baahanyahay in qorshe cad laga yeesho shaqo xumada.

Cirro oo ka hadlayay qalinjabinta dufcadii 19aad ee ka baxda Jaamacadda Hargaysa, ayaa sheegay in tirada ardayda sannadkasta soo baxaysaana sii kordhayso, isla markaana ay shaqo la'aani jirto.

"Cilmi baadhis la sameeyay shaqa la'aanta dhalinyarada Somaliland waxay ku dhawdahay 70%, inagoo og itaal keena dhaqaale, hadana waxa loo bahanyahay qorshe cad oo ku talo gal ah, oo ardayda loogu talo galo, sanad walba intaaso arday soo baxayso, tiraduna sii kordhayso" ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Somaliland horumar badan samaysay marka loo eego halkii ay taagnayd sanado kahor laakiin loobahanyahay in la dadaalo oo dadkuna wax bartaan.

"Maanta Somaliland horumar badan way samaysay, oo waxa laga yaaba dee 20 sano ka hor in anay jaamacado lahayn Somaliland, Jaamacadda Hargaysa markii la samaynayay waan ogaa, Camuudna iyadoo markaa la sameeyay ayaan dalkan imid, horumarka waxa loo bahanyahay in aynu hore usii marino" ayuu yidhi Cirro.

"Waxanan rumaysanahay horumarka Somaliland iyo barwaaqadeeduba in ay ku iman karto waxbarasho, xirfad iyo aqoon. Markaa in aynu xoojino ayaynu u baahanahay" ayuu hadalkiisa ku daray Cirro.

Sida lagu xusay qiimayn ay soo saartay Wasaaradda Shaqo gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland 30, December, 2019, heerka shaqo la'aanta bulshada Somaliland ayaa ah 75%, warbixinta ayaa sheegtay in 30% dadka shaqo la’aanta ahi ay yihiin dheddig, 20% ay yihiin rag dhallinyaro ah, halka 15% kalena ay yihiin  dad ka waaweyn oo aan jinsigooda la sheegin.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
[email protected]