4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 31, 2021
Inta badan ururada siyaasada Puntland oo ka hor yimid natiijada doorashada Qardho, Eyl iyo Ufayn
 

Axad, October, 31, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa ansixiyay natiijada kasoo baxday doorahsooyinka horudhaca ah ee golayaasha deeganka ee ka dhacday, Qardho, Eyl iyo Ufayn, kuwaas oo daweynuhu codkooda wax ku dooranayeen.

Bayaan kasoo baxay guddiga doorashda ayaa lagu sheegay, in kulan gudidgu ku yeeshay magaalada Garowe uu ku ansixiyay natiijada doorashada oo ay codad isku dhow dhow ka heleen ururada siyaasadeed ee ku tartamayay doorashadaas.

Guddiga wuxuu sheegay inuu natiijada u gudbindoono maxkamadda sare ee Puntland, taasoo leh go’aanka kama dambeysta ah ee lagu ansixinayo natiijada doorashada iyo xildhibaannada kusoo baxay doorashada.

Dhinaca kale, afar kamid ah ururada siyaasada ee mucaaradka ah, ayaa cambaareeyay meel marinta natiijada doorashada, iyagoo sheegay in xad gudubyo waa-weyn ay  dhaceen intii ay socotay doorashada saddexda degmo.

Ururadu waxay sheegeen in doorashada ay hareeyeen arrimo ay kamid yihinin; laaluush, cod kala gadasho, cago-juglayn, adeegsiga hantida dowladda, qeybinta kaarar loo qeybiyay dad masaakiin ah si codka looga helo.

Ururadan waxay guddiga doorashada ku eedeeyeen inuu baalmaray hirgalinta sharuucda hagaysa doorashada, waxayna ku baaqeen in si madax bannaan lasoo bandhigo xadgudubyadii doorashada ka dhacday.

Waxay ugu dambayn beesha caalamka ugu baaqeen in ay ka baaraan degaan taageerada hannaanka doorashadu u dhacday iyo natiijada kasoo baxday.



Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online