Hiiraan Online
1/11/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 21, 2021
Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble oo ugu dambayn ka heshiiyay khilaafkii soo kala dhex galay
Khamiis, October, 21, 2021 (HOL) - Kulan ay yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble ayaa xal looga gaaray khilaaf siyaasadeed ee soo jiitamayay muddada dheer.
Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble waxey ka heshiiyeen dhammaan waxyaabihii la isku hayay, sida taliyaha nabad sugida, wasiirka amniga, iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarah.
Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka lagasoo saaray kulanka:-
WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, Oktoobar 21, 2021;
Kulan ay yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Xuseen Rooble ayaa looga wada hadlay qodobadan:
1.
Dardar gelinta howlaha Dooroshoyinka.
2.
Xoojinta wadashaqeynta iyo dardar galinta Hay’adaha Amniga Qaranka.
3.
Xallinta kala aragti duwanaanshihii ka dhashay hoggaanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HSNQ).
4.
Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Kulankaan oo ku qabsoomay jawi wanaagsan Madaxduna ay diiradda ku saareen maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyo danaha Qaranka ayaa la isku raacay qodobadan:
1.
Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
2.
In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab.
3.
In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
4.
In Janaraal Bashiir Goobe loo magacaabo Wasiiru Dowle.
5
. Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.
6.
Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan.
Ugu danbayn, Madaxda Qaranku waxay umahad celiyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Moxamed (Lafta gareen) iyo masuuliyiinta kale ee udhabar adaygay sidii madmadowgii madaxda qaranka ka dhexjirey loogu dhameyn Lahaa Isfahan iyo afgarad, doorashaduna usocoto si habsami leh.
Madaxda waxa ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed sida ay uga xunyihiin walwalkii ay dareemeen maalmihii la soo dhaafay iyaga oo u ballanqaaday shacabka in si midnimo leh ay uga wada shaqayn doonaan sidii ay dalka uga dhicilahayd doorasho hufan loona adkayn lahaa amniga guud ee dalka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]