4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 8 , 2021
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga afrika oo Muqdisho kaga wada shiraya mustaqbalka howlgalka AMISOM
 

Isniin, November 8, 2021 (HOL) - Xubno katirsan golaha amniga midowga Afrika ayaa maanta oo isniin ah tagaya magaalada Muqdisho, iyagoo dowladda Soomaaliya kala shiridoono waajibaadka ciidamada AMISOM oo waqtigooda uu ku egyahay bisha December ee sannadkan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in ay wafdigaan berrito la qaadan doonaan shirkooda ugu horreeya, isagoo xusay in laga wada hadli doono qorshaha mustaqbalka AMISOM sida uu noqonayo.

Wasiirku wuxuu si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka tabaabushaysanayso qorshe kaste oo sharci darro oo aan waafaqsanayn heshiiska ay AMISOM ku joogto Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in ay arrintaas wadatashi kala leeyihiin dalalka bixiya dhaqaala AMISOM.

Wasiirku wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya in ay door bidayso in AMISOM  ka baxdo dalka, halkii ay ka oggolaan lahaayeen qorshayaal aan shaqeynayn oo ay dabada ka riixayaan 15ka dal ee ku jira guddiga nabada midowga Afrika.

“Annaga waxaan u sheegnay midowga Afrika afarta qorshe oo ay wadaan in aysan faa’ido inoo lahayn. Laakiin haddii aad loogu adkaysto Options aan shaqeynayn, kan ay iyagu qoreen oo ah ‘lix bilood ayaan ku baxaynaa Soomaaliya, oo loogu dan lahaa in annaga nala ku handado, waxaan sheegnay inuuba yahay kan ugu cadcad oo ugu quruxda badan. Taasna waxay beddeshay qaabkii loo wada hadlayay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibaddu.

Wasiirku wuxuu sheegay dalalka bixiya dhaqaalaha AMISOM oo sannadkii dhan $800 oo milyan, in aanay taageersanayn wax ka duwan heshiiska haatan AMISOM ku joogto Soomaaliya, sidoo kalena Qaramada Midoobay ayuu sheegay in ay qabto arrinkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online