1/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo xilkii laga qaaday iyo wasiiro kale oo la isku badalay
 

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka kaga qaaday wasiirkii arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa loo magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali, waxaana wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda loo magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan oo loo yaqaano Pekos.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa waxaa sidoo kale xilalkii la isugu badalay wasiirada kala ah Maxamed Aadan Macallin Soomaali, kaasoo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen Badni oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa ku magacaawna xilka agaasimaha Madaxtooyada, isagoona horay usoo noqday lataliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, waxaana magacaabistiisa ay muujineysa inuu meesha ka baxay khilaafkii adkaa ee mudo u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble, kaasoo ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil oo haatan noqday mid aasmay oo laga heshiiyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online