4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 17, 2021
Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway oo sharuud ku xiray bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya

Arbaco, November 17, 2021 (HOL) - Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway oo ka walaacsan kalsoonida iyo dib u dhaca geedi socodka doorashada Soomaaliya, ayaa sharuud ku xiray inay bixiyaan dhaqaalaha ay ku taageerayaan qabsoomida doorashada Soomaaliya.

Safaaraddaha sadaxda dowladdood ayaa qoraal ay u direen xafiisyada madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo guddiga doorashada, waxay ku sheegeen in ay diyaarin doonaan laba hab oo ay ku bixinayaan $27.2 milyan oo ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada.

Waxay sheegeen habka koowaad ee ay dhaqaalaha ku bixinayaan inuu yahay, in dhammaan khidmadaha musharraxiinta lagu shubo Khasnadda dowladda, kharashaadka baxayana lagala socdo nidaamka Macluumaadka Maareynta Maaliyadda ee FMIS.

Qoondaynta labaad waxay ku sheegeen in la sii dayn doonaa marka ugu yaraan saddex meelood laba meel la dhammeeyo doorashooyinka golaha shacabka.

Waxaa intaas dheer, sharuud kale oo ah in la caddeeyo qoondada 30% ee haweenka. Waxayna sadaxda dowladdood sheegeen wixii intaas ka baxsan in aanay awoodi karin in ay ku bixiyaan dhaqaale dheeraad ah.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online