4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 16, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda

Talaado, November 16, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Kampala ee wadanka Uganda ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee maanta bartamaha magaalada Caasimadda ah ee Kampala ay ka dhaceen laba qarax oo waaweyn, kuwaas oo la sheegay iney geysteen khasaare kala duwan.

Qaraxyada ayaa la sheegay iney ka kala dhaceen meelo aan sida uga fogeyn xarunta Baarlamaanka iyo Saldhiga Booliiska magaalada Kampala, waxaana la xaqiijiyay in qaraxyadaasi ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo laba ka mid ah yihiin Booliis, waxaana ku dhaawacmay ilaa 27 ruux oo u badan saraakiil Booliis ah.

Ciidamada Booliiska dalka Uganda ayaa xiray dhamaan dhaqdhaqaaqyada goobta uu qaraxay ka dhacay iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo la arkaayay iyaga oo baaritaano halkaasi ka sameynayay.

Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda ayaa mudooyinkii dambe waxaa kusoo kordhayay weerarada qaraxyada ah, waxaana qaraxii qaraxyadan ka horeeyay uu dhacay 23-kii bishii lasoo dhaafay ee Oktober.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxyada maanta gilgilay magaalada Kampala, waxaasa xusid mudan qaraxyo horay uga dhacay wadankaasi iney masuuliyadooda sheegteen Kooxda Daacish.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]