4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2021
Maraykanka oo ugu baaqay dowlad goboleedyada in ay doorashada golaha shacabka ka dhigaan mid hufan
 

Isniin, November 15, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya in ay qabtaan doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay.

Warkaan oo lagu daabacay barta twitterka ee safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa daba socday war-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka oo lagusoo dhoweynayay dhameystira doorashada aqalka sare.

Maraykanka oo qeyb ka ahaa war-saxaafadeedkaas ayaa dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, si adag waxaa loogu boorriyay in ay qabtaan doorasho hufan, oo waqtiyaysan.

Maraykanka ayaa sheegay haddii ay dhacdo doorasho nuucaas ah in ay madaxdu si buuxda diiradda u saarayaan daboolidda baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

Shalay, Maraykanka waxa uua sheegay inuu diyaar u yahay maalgelinta dhamaystirka doorashooyinka Golaha Shacabka, laakiin wuxuu hoosta ka xarriiqay in khidmadaha diiwaan- gelinta musharraxiintu ay yihiin dhaqaale lagu maalgalin karo doorashada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online