4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2021
Ahlu Sunna Waljamaaca oo la sheegay in ay diiday dadaallo lagusoo afjaray colaadda Galmudug kala dhaxaysa
 

Isniin, November 15, 2021 (HOL) - Saraakiil katirsan dowladda federalka Soomaaliya ayaa ku guul daraystay dadaallo lagu dhex dhexaadinayay maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna Waljaamaca, kadib markii ay sheegeen in dhinaca Ahlu Sunna ay wax ka socon waayeen.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayay sheegeen inuu oggolaaday waan-waanta, si loosoo afjaro colaadda ka taagan gobolka Galgaduud ee sababtay in dhawaan dagaal maalmo socday uu ka dhaco magaalada Guriceel, dad badanna ay ku dhinteen.

Generaal Aadan Abshir Nuurre (Laba -Afle) oo ah sarkaal ciidan oo katirsan dowladda federaalka ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliya ka sheegay, in 12 cishe oo ay ku sugnaayeen tuulada Bohol aanay wax guul ah ka gaarin in la iskusoo dhoweeyo labada dhinac.

Sarkaalkan ayaa sheegay in hoggaamiyayaasha Ahlu sunna ay dalbadeen arrimo aysan Galmudug waxba ka qaban karin ayna diideen in ay kasoo dabcaan nabaddii ay wateen iyo wixii ay xalka u arkayeen.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo wararku ay sheegayaan in Ahlu Sunna abaabul iyo dhaqdhaqaaqyo ciiddan ay ka wado gobolka Galgaduud, halkaas oo ay weli ku leeyihiin awood aan yarayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online