4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 14, 2021
Ganacsatada xoolaha Somaliland oo ka cabanaya wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya

Axad, Noveber, 14, 2021 (HOL) - Ganacsatada xoolaha ee Somaliland, ayaa wasiirka xannaanada xoolaha ee Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen ku eedeeyay in uu hortaaganyahay dhoofka xoolaha loo iib gayn jiray dalka Sacuudiga oo ay sheegeen in uu istaagay.

"Markii maanta xoolihii aanu iibsanay hadana waala carqaladeeyay, xoolihii Sucuudigii wuu u baahanyahay inagiina inaga dhoofi maayaan, cidkasta oo ay khusayso waxan u sheegayaa in dhoofkii loo furo xoolaha, khaasatan waxan cambaaraynayaa wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya oo naloo sheegay in uu xoolaha yaga ku taaganyahay" waxa sida Saab TV u sheegay mid kamid ah ganacsatada.

Sidookale, ganacsatada ayaa ku andacooday in dowlada Sacuudigu xoolaha furtay laakin, wasiir Xuseen uu Sacuudiga ka dalbaday in la joojiyo xoolaha.

"Sacuudigu  wuxuu yidhi xoolaha waan furayaa kadibna, waxaa nalagu yidhi nin Xamar ka tagay oo xannaanada xoolaha la yidhi, anagu waxaanu qabnaaa in xoolihii la siyaasadeeyay oo wasiirka jooga Xamar uu xoolihii siyaasadeeyay" waxa sida Saab TV u sheegay mid kamid ah ganacsatada.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar kala duwan lagu eedeeyay in ay cunaqabatayn saarto xoolaha laga dhoofiyo dekedda Berbera.



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]