4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 13, 2021
Guddoomiyihii maxkamadda Alshabaab ee degmada Kuntur-waareey oo dowladda iskusoo dhiibay
 

Sabti, November 13, 2021 (HOL) - Guddoomiyihii maxkamadda degmada Kuntur-waarey Maxamed Xasan Macallin oo magaciisa afgarashadu yahay (Abu-cali) ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadda Qoryooleey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horjooge Maxamed Xasan Macalin (Abu-cali) uu kooxda Alshabaab u qaabilsanaa ururinta waxay ugu yeertay lacagaha baaddaha ee laga qaado shacabka reer Kuntur-waareey.

Dowladda waxay sheegtay in isisoo dhiibadiisa ay gacan weyn ka geysteen saraakiisha degmadda Qoryooleey.

Ma ahan sarkaalkii ugu horreeyay ee Alshabaab kasoo goosta ee ku biira dowladda, iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay aad usoo kordhayeen saraakiisha iyo askarta kasoo goosanaya Alshabaab ee dowladda isku dhiibaya.

Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim Xasan ayaa ka warbixiyay qaabka uu isku soo dhiibay Guddoomiyihii maxkamadda Alshabaab ee degmada Kuntur-waareey.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online