4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 11, 2021
Raysal wasaare Rooble iyo golaha wadatashiga qaran oo kawada shiray dooraahada golaha shacabka
 

Khamiis, November 11, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan aaladda fogaan aragga la qaatay golaha wadatashiga Qaranka, kaasoo diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu booqandoono goobaha ay ka dhicidoonaan doorashooyinka, si loo xaqiijyo amnigooda iyo in ay yihiin goobo ku haboon doorashooyinka golaha shacabka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online