4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 11, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo goordhaw safar dhulka ah ku tagay degmada Balcad


Khamiis, November 11, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa goordhaw waxay safar dhulka ah ku gaareen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Safarka Raysal wasaaraha iyo madaxweynaha Hirshabeelle ku gaareen degmada Balcad waxaa qeyb ka ah Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle.

Amaanka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wado kasta lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ilaalada Raysal wasaaraha iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Safarka Raysal wasaare Rooble ee degmada Balcad ayaa lagu sheegay ujeedkiisa inuu yahay u kuur galida xaaladaha amni iyo mida nololeed ee degmada Balcad iyo halka ay marayaan dhismaha wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar howleed ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale, ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar" ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu.

Safarkaan uu maanta ku tagay Rooble degmada Balcad ayaa noqonaya safarkiisii ugi horeeyay ee uu degmadaasi ku tago tan iyo markii loo magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya waxayna degmada Balcad ayaa magaalada Muqdisho u jirta 37 KM.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]