4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 10, 2021
Puntland oo ka hortimid shir arrimaha shidaalka Afrika looga hadlayo oo dowladda federalka Soomaaliya qeyb ka tahay
 

Arbaco, November 10, 2021 (HOL) - Puntland ayaa kasoo horjeesatay shir arrimaha shidaalka Afrika looga hadlayo oo ka socda magaalada Dubai, kaasoo ay qeyb ka tahay dowladda federalka Soomaaliya.

Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in aysan qeyb ka ahayn fulinta sharciga shidaalka oo la saxiixay siddeedii bishii February ee sannadkan, iyadoo sheegtay inuusan waafaqsanayn dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Puntland waxay qoraalkeeda kaga digtay in dowladda federalka Soomaaliya oo waqtigeeda uu dhammaaday ay xilligan gasho heshiisyo aan waafaqsanayn sharciga, kuwaas oo sida ay sheegtay lagu xaraashayo kheyraadka dalka, ayna ka dhalan karto xasilooni darro uu waddanku galo.

Puntland ayaa sidoo kale shirkaddaha shidaalka baara uga digtay in ay heshiis la galaan dowladda Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online