4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 10, 2021
Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada laba kursi oo ka harsana kuraasta Aqalka sare
 

Arbaco, November 10, 2021 (HOL) - Guddiga Hirgelinta doorashada heer maamul goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada laba kursi oo ka dhineyd doorashada kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, xili saacado ka hor uu soo gudbiyay liiska Musharaxiinta ku tartameysa labada kursi madaxweynaha Galmudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah ay bilaabaneyso diiwan gelinta, xaqiijinta iyo Shahaado siinta Musharaxiinta, islamarkaana maalinta Sabtiga ee oo taariiqda ku beegan tahay 13-11-2021 la qaban doono doorashada labada Kursi.

Muaharaxiinta ku tartami doonta labada kursi ee ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee lagu dooranayo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa kala ah Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Cawil Nuur Cali oo kursiga koowaad kuwada tartami doono, halka kursiga labaadna ay ku tartami doonaan Musharaxiinta kala ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Hoos ka akhriso jadwalka doorashada labada kursi ee Aqalka sare :-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]