5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 6 , 2021
Rooble oo ka hadlay sugida Amniga doorashada lagu waddo in ay dalka dhacdo

 

Khamiis, May, 06, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in ciidamo dhax dhaxaad ah sugi doonaan amniga doorashada lagu waddo in ay dalka ka dhacdo

Ra'iisal Wasaaraha ayaa hadalka ka sheegay kulan uu la yeeshay xubnaha beesha caalamka

Rooble ayaa sheegay in ciidamada sugi doona doorashada noqonayaa kuwo lagu wada kalsoon yahay oo dhaxdhaxaad ah kuna shaqeyn doona mar walba diilinta sharciga.

Mar uus oo hadal qaaday caqabada ilaa iyo hadda hortaaga doorashada ayuu sheegay in ay tahay dhammeystirka heshiiskii 17-ka September, iyadoo loo sii marayo taloyinkii shirkii Baydhabo.

Midowga musharixiinta iyo qeybaha kala ee siyaasiyiinta mucaaradka ayaa soo dhaweeyay in maamulka iyo amniga doorashada uu mas'uul ka noqdo Ra\'iisal Wasaare Rooble.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]