4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 16, 2021
Sacuudiga oo si adag uga hadlay duqeymaha Israa'iil ka wado Qaza
 

Axad, May, 16, 2021 (HOL) - Dowladda Sacuudiga ayaa si kulul u cambaareeysay xadgudub aay sheegtay in Israa'iil ku hayso Falastiiniyiinta.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Sacuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlaayay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay inuu ku baaqayo in dowladda Israa'iil aay si deg deg ah ku joojiso duqeymaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa Sacuudiga aay si weyn usoo dhaweyneyso dadaal kasto oo nabadeed oo la dhex dhigayo dowladaha Israa'iil iyo Falastiin.

Gabagabadii cambaareynta Sacuudiga ayaa imaaneysa iyadoo inta la xaqiijiyay ilaa 122 ruux lagu dilay duqeymaha Qaza, iyadoo dhinaca Israa'iil aay ku dhinteen ilaa 10 ruux tan iyo markii uu si rasmi ah bilaawday dagaalkooda Isniintii la soo dhaafay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]