Isniin, Maarso, 08, 2021 (HOL) - Warbaahinta ka soo muuqday oo la hadlay milkiilaha gaariga laga digay in uu is qarxinayo kaasoo sumadiisu tahay AH 2737, waxaana uu beeniyay wararka arintaa ku saabsan.
Waxaa uu sheegay in uu maqlay war ku saabsan in UNku ka digeen gaarigiisa taasoo ayuu yiri ah arin khatar ku aheyd naftiisa iyo hantiisa isaga oo dalbaday magdhaw.
Warkan ayaa imanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo qaarkood loo adeegaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waana markii ugu horreysay oo muwaadin Soomaaliyeed si toos ah warbaahinta uga beeniyo in hanti uu leeyahay la damacsan yahay in loo adeegsado qaraxyo.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]