Khamiis, Maarso, 04, 2021 (HOL) - Hotel Decale ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw ka furmay wajigii saddexaad kulan ay leeyihiin Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta.
Xukuumadda ayaa horay u saartay Guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya dibadbaxa, sidoo kalana qoraal xalay ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu fasaxay in mucaaradku dibadbaxooda ku dhiggan karaan taalada Daljirka Dahsoon.
Kulanka marka uu soo dhamaado waxaa lagu wadaa in labada dhinac ka soo saaraan war-murtiyeed la xiriira wax yaabihii lagu heshiiyay.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]