Jigjiga : Salaad Roob doon ah oo maanta Jigjiga laga tukaday
Talaado, Maarso, 23, 2021 (HOL) - Salaad Roob doon ah ayaa maanta laga tukaday magaalada Jigjiga, iyadoo shacab aad u badan isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee Jigjiga.
Maamulka u sareeya Golaha Arrimaha Islaamka ee DDS, Culimada degaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga ayaa kamid ahaa dadkii isugu soo baxay si ay u tukadaan salaaddan Ilaahay lagaga baryayo si uu abaarta uga dulqaado dadka iyo duunyada, isla markaana Ilaahay u keeno roob khayr qaba.
Salaaddan roob doonta ayay dadku tukanayaan iyadoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dhammaan degaanka laga soomanaa, maantana ay dadku banaankan isugu soo baxeen si Alle u baryaan, abaartana ugu badalo roob lagu qabowsado.
Guud ahaan degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka jirtay abaaro iyo roob yari, iyadoo meelo aad u yar maalmihii u dambaysay laga soo sheegayay roob aan sidaa u badnayn.
Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
jawharyare@hiiraan.com