4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 27, 2021
Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 21 xubnood oo katirsanaa kooxda Alshabaab
 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ee Puntland ayaa saaka waaberigii xukun dil toogasho ah ku fulisay 18 nin oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo dhawaan lagu riday xulin dil ah.

Waa tiradii ugu badnayd oo Alshabaab ah oo ay Puntland hal mar ku fuliso xukun dil ah. Waxayna ahaayeen shabakad ka howlgali jirtay magaalada Gaalkacyo oo fulin jirtay qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhaci jiray inta badan waqooyiga Gaalkacyo, tan iyo sanadkii 2008.

Kooxdan ayaa maxkamadeyntooda muddo ka socotay magaalada Gaalkacyo, iyagoo qirtay in ay ka dambeeyeen boqolaal oo dil oo ay ka geysteen gudaha xarunta gobolka Mudug.

Gaalkacyo oo keli ah Toogashadu kama dhicin ee Magaalooyinka Garoowe iyo Qardhana waa lagu toogtay , tirada Toogashaduna waxay dhan tahay 21 xubnood , 18 kamid ah Gaalkacyo ayaa lagu toogtay.

Sanadkii 2013 ayay ahayd markii Puntland ay xukun wadareed dil ah ku riday 13 xubnood oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo Bosaso lagu dilay 2012.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]