Ciidamada booliska Somaliland oo xabsiga u taxabay dhalinyaro laso baxay calanka Soomaaliya

 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Ciidanka booliska Somaliland ee gobolka Awdal ayaa xabsiga dhigay 50 dhalinyaro ah, oo laso baxay calanka Soomaaliya munasibada 26 Juun sida boolisku  sheegay.

newsinsideWarbixinta booliska ayaa lagu sheegay in dhalinyarada qaar ay ku labisteen calanka halka qaar kalena sawiro ku galeen iyago sita.

Dhalinyaradan ayaa ku kala xidhan xabsiyada Somaliland waxana la horgayn doona maxkamad sida boolisku sheegay.

Booliiska ayaa ku andacooday in dhalinyaradan ay soo abaabuleen kooxo dano gaara leh, isla markana laso qaban doono.

Waxa marar kala duwan xabsiyada loo taxaabay dad lagu qabtay iyago sita calanka Soomaaliya kuwaasi oo badan kooda markiiba lasii daayo.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
 [email protected]