4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 25, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dil goordhaw ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir
 

Jimco, Juun, 25, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw lagu dilay askari ka tirsanaa Booliiska Saldhiga degmada Yaaqshiid.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Idiris kaasoo la sheegay inuu ahaa oobi qoraha Saldhiga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dilka askarigan ayaa waxaa fuliyay kooxo Bastoolado ku hubeysnaa waxaana la sheegay in lagu dilay afaafka hore ee Masaajid ku yaala agagaarka Saldhiga degmada Yaaqshiid, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Ciidamada Booliiska Saldhiga Yaaqshiid ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay waxayna ka sameyeen baaritaano goobta lagu dilay askariga ka tirsana Sadlhiga Yaaqshiid walow aysan kasoo bixin baaritaankaasi wax natiijo ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]