4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Caawa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in qaraxa uu ahaa miino lagu xiray gaariga.

Qaraxa ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana la sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh ay kasoo gaareen sadax qof oo wada saarna mooto Bajaaj waxaana goobta ku geeriyooday ruuxa watay gaariga qarxay oo magaciisa lagu sheegay liibaan Nuradiin Sheekh Xuseen oo ahaa diaspora reer Sweden ah waxaana dadka dhaawacyada culus kasoo gaareen qaraxa caawa dhacay la geeyay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Dhawaqa qaraxyo kale ayaa caawa laga maqlaya gudaha magaalada Muqdisho waxaana la sheegay iney ciidamada amaanka qarxinayaan qaraxyo aay gacanta ku dhigeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]