4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2021
Dil naxdin leh oo ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud
 

Sabti, Juun, 12, 2021  (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Gagaduud ayaa sheegaya in halkaasi nin hubeysnaa uu dil ugu geystay nin oday ahaa oo la sheegay inuu ku sugnaa gurigiisa xiliga la dilay.

Ninka odayga ah ee lagu dhex dilay hoygiisa ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Odawaa waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa dadka xoogsatada ah ee ka shaqeya dhismayaasha dhagaxa ah, lama oga ilaa hadda sababta ka dambeysa dilkiisa walow ninkii dilka geystay uu isaga baxsaday goobta.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marxuumka dhintay lagu hor toogtay xaaskiisa, islamarkaana aay la yaaban yihiin sababta ka dambeysa dilkan fajaca ku abuuray dadka degan xaafada Ubax ee degmada Caabudwaaq.

Marxuumka lagu dhex toogtay hoygiisa ayaa la sheegay inuu ifka kaga tagay 8 caruur ah iyo hooyadood oo ku noola, waxa uu xoogiisa kaga soo shaqeysto dhismayaasha guryaha dhagaxa ah.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay Marxuum Axmed Odawaa kuwaas oo baaritaano ka bilaabay xaafada uu dilka ka dhacay iyaga oo baadi goobaya ninkii dilka geystay oo goobta isaga baxsaday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]