Liiska xubnaha guddiga doorashada ee cabashada laga qabo oo lasoo bandhigay magacyadooda

 

Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Guddigii uu dhawaan Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay xaqiijinta shakhsiyaadka cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka ayaa soo bandhigay magacyada shakhsiyaadkaas oo tiro ahaan gaaraya 67 xubnood.

newsinsideWasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo ah Afhayeenka guddigan Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo guddiga, ayaa liiskaan warbaahinta usoo bandhigay.

Cabdicasiis Sheekh Xuseen oo ahaa xubin katirsan guddigan oo geeriyooday bishii abril, ayaa qeyb ka ah Liiska xubnaha Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay ee ay Midowga Musharaxiinta cabashada ka qabaan unasoo gudbiyeen guddiga raysal wasaaruhu magacaabay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online