
newsinsideCiidamada ka amar qaata guddoomiye Maadeey ayaa saaka waarabigii hore xirtay Buundada Liqliqato kuwaas oo hakad galiyay isku socodka Gadiidka isaga kala gooshayay xaafadaha Howlwadaag iyo Kooshin ee magaalada Baledweyne.
Shalay ayay aheyd markii isla ciidamadan ka amar qaata guddoomiye ku xigeenka Maaliyada gobolka Hiiraan aay xirteen Buundada Liqliqato walow saacado kooban kadib lagu guuleystay in halkaasi laga wado ciidanka xirtay.
Xernashaha Buundada Liqliqato maalintii labaad ayaa imaaneysa xili wadahadalo shalay ilaa xalay lagu dhexdhexaadinaayay guddoomiye ku xigeenka Maaliyada iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan la sheegay in lagu guuleysan waayay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya ee ka dhashay howlaha canshuurta.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]