4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 7 , 2021
Galmudug oo beenisay in Bacaadweyn ay dib ula wareegeen Alshabaab
 

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falage, ayaa beeniyay in kooxda Alshabaab ay dib ula wareegtay degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug, halkaas oo maalmo ka hor ciidamadu gudaha u galeen.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, oo BBC Somali la hadlayay, ayaa sheegay in ciidamada ay ku sugan yihiin magaalada bannaankeeda, islamarkaana ujeedada laga leeyahay ay tahay in aan shacabka la argagax galin oo magaaladu aysan noqon goob ciidan.

Wasiir Falagle wuxuu sheegay in ay ciidamada u diideen in magaalada gudaha u galaan iyagoo hub sita, wuxuuna sheegay in kaliya loo ogol yahay masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha.

Wuxuu sheegay Galmudug in ay ka go’an tahay in magaalo kaste iyo deegaan kaste oo la xoreeyo loo sameyn doono maamul islamarkaana aysan hadda kadib dhici doonin in la dayaco magaalo la xoreeyay.

Alshabaab ayaa baahiyay maalintii shalay in ay dib ula wareegeen magaalada Bacaadweyn iyo deegaano kale, iyagoo sheegay in ay 20 askari ku dileen dagaaladii ka dhacay Bacaadwayn iyo aagga Wisil.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online