4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 21, 2021
Maraykanka oo duqayntii ugu horaysay lix bil kadib ka fuliyay Soomaaliya
 

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (HOL) - Milatariga Mareykanka ayaa Talaadadii  shalay qaaday duqeyn cirka ah oo ka dhan ah mintidiinta Alshabaab waana duqeyntii ugu horreysay oo noocan oo kale ah oo uu Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Joe Biden la wareegay xafiiska bishii Janaayo.

Weerarkan ayaa lala beegsaday dagaalamayaasha Al Shabaab ee ku sugan Koonfurta gobolka Mudug ee Galmudug, sida lagu sheegay hadal kasoo baxay Pentagon.

Ma cadda khasaaraha Alshabab kasoo gaaray weerarkan duqaynta ah.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas fulinteeda loo cuskaday sharciyo hore u jiray, si loo difaaco xoogagga Mareykanka xulifada la ah, waxaana la fuliyay duqeyntaas iyada oo aysan jirin ciidan Mareykan ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta duqeyntan loo oggolaaday ama in Taliska Mareykanka ee Afrika uu bilaabi doono inuu sameeyo olole aad u xooggan oo dhanka cirka ah oo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya.

Bishii January ee sanadkan, Maraykanka ayaa guud ahaan ciidamadiisa dhulka kala baxay Soomaaliya, kadib markii madaxweynihii hore ee Maraykanka Trump uu amar ku bixiyay in 700 askari oo ku sugnaa Soomaaliya lasoo saaro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online