7/28/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 15, 2021
Dr Adna Aadan oo markale ka hadashay dhakhaatiir Muqdisho laga mastafuriyay


 

Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Dr Adna Aadan Ismaaciil, ayaa sharci daro ku tilmaantay dhakhaatiir isbitaal keeda ka howl gala oo madaarka Aadan Cadde dib looga soo celiyay basboorka Somaliland oo ay ku safrayeen dartii.

Dr Adna oo ah ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Somaliland iyo dowlada Soomaaliya, ayaa sheegtay in shaqaalaheeda sigaar loo badhtilmameedsaday.

"Dadkii hakadka ku aha madaarka Muqdisho, baasbooradoodi ayaa la eegay, labadii ku safrayay baasboorka Somaliland ayaa lala soo dagay" ayay tidhi.

Adna ayaa sheegtay in qofka hakadka ku ah madaarka aan xaqloogu lahayn in la waydiiyo baasboor.

"Qofka madaar hakad ku ah xaq looguma laha in la waydiiyo baasboor, la xidho ama la qafaasho" ayay tidhi.

Dr Adna ayaa sheegtay in dhakhaatiirta diyaarada looga dajiyay madama oo ay siteen baasboor waddan aan la aqoonsanayn.

"Labada qof 3 maalmood ayay xidhnayeen oo ciqaabtooduna ahayd baasboor dal aan la aqoonsanayn ayaad sidataan" ayay tidhi.

"Imisa dal baynu u dhoofna oo dalal kale sii dhexmarnaa oo laynagu ixtiraama" ayay hadalkeeda sii raacisay.

Adna ayaa sheegtay in baasboorka Somaliland lagu tago dalal aan baasboorka Soomaaliya lagu tagin.

"Dalal diiday in ay baasboorka Soomaliya fiise ku bixiyaan ayaa ka Somaliland kusiiya" ayay tidhi.

Dhakhtiirtan oo ka hawl gala isbitaalka Adna Aadan ee Hargaysa oo tababar ugu socday dalka Kenya, ayaa baasbooradoodi laga qaaday kadibna Hargaysa looso mastafuriyay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online











Click here
7/15/2021 11:58 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Wasaarada ganacsiga Somaliland, ayaa ruqsadi kala noqotay shirkada Integrated Shipping Services, oo ah shirkad ka shaqaysa koontiinarada iyo maraakiibta.

7/15/2021 11:29 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Maxammed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ee cusub, ayaa xukuumada ku eedeyay in dadka reer Borama ee la xidho, ay xabsiyo kale gayso.

7/15/2021 8:34 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dhammaan xarumihii kooxda Daacish ay ku lahaayeen gudaha Puntland, kadib markii ciidamada amnigu ay qaadeen howlgal socday muddo labo todobaad ah.

7/15/2021 8:26 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - 32 tartame ayaa ka qaybgelaya oo sadex ka mid ahi tahay dumar tartanka gabayada oo maanta ka furmay xarunta Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle.

7/15/2021 7:16 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Faafgumare oo ku yaala duuleedka magaalada Baledweyne, allah u naxariiste Macalin Cumar Macalin Muxumed oo ahaa macalin dugsi quraan oo u dhintay sun ay raashiin ugu dartay mid ka mid ah xaasaskiisa.

7/15/2021 6:54 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maxkamada sare ee dalka ay gali doonto cabasho kaste oo lagasoo gudbiyo go'aanada ay qaataan guddiyada Doorashooyinka.

7/15/2021 3:28 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday Saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin degmadaasi.

7/15/2021 3:18 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya, Wasaaraddaha Waxbarshashadda dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa lagu soo geba-gabeeyay Magaaladda Garowe Caasimadda Puntland.

7/15/2021 1:58 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay dhacdo naxdin leh oo si aad ah saaka looga hadal haayo magaalada Baledweyne kadib markii haweeney ninkeeda ay siisay raashiin sumeysan.

7/15/2021 1:51 AM EST
Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - Maamulka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku fuliyay Xusseen Aadan Cali, oo kufsi u geystay Gacalo Ismaaciil Cabdullaahi oo ahayd gabadh saddex jir ah oo markii dambe u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray kufsi loo geystay.