9/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 13, 2021
Jubbaland oo ga'aano culus ka soo saartay amniga deegaanadeeda
 

Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Golaha amniga maamul goboleedka Jubbaland ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha amiga deegaanada Jubbaland, waxaana kulanka shir gudoominaayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka ayaa si aad loogu falanqeyay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ahaan deegaanada Jubbaland oo lagu wado in bishaan gudaheeda ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa laga soo saaray go'aano adag oo la xiriira dhanka amniga, waxaana digniin loo diray Odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo xiriir la leh Al-shabaab, iyadoo si gaar ah loo faray Hay'adda NISA intey talaabo adag ka qaado cidii ku xadgudubta amniga.

Gababadii wasaaradda amniga Jubbaland ayaa loogu baaqay iney kasoo dhalaasho sugida iyo xaqiijinta amniga deegaanada maamulka Jubbaland.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/13/2021 9:55 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

7/13/2021 9:48 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada AMISOM ee ku sugan jasiiada Kudhaa ayaa burburiyey labo gaari waxayna dileen 11 dagaalame oo katirsan kooxda Shabaab, kadib markii ay qaadeen howlgalo cirka iyo dhulka.

7/13/2021 6:52 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay qabtaan khamri lagu soo qariyay baabuur qaad siday.

7/13/2021 3:18 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa ku kala qeybsamay wax bedel lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha wakiiladda Puntland, taasoo keentay inuu ka dhasho buuq iyo jahwareer golaha dhexdiisa ah.

7/13/2021 2:31 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 10 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Uganda, ayaa gaajo iyo safmarka Covid19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee ugu dambeysay.

7/13/2021 2:23 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shalay galinkii dambe garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay 49 gabdhood oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga, kuwaas oo ka tirsan ciidamada Booliiska Haramcad.

7/13/2021 1:28 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa sababay dilal iyo dhac baahsan oo loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koofur Afrika.